Wednesday, January 11, 2023

Side ku xifdin karta quranka kariimka?

Habka Xifdinta Quraanka Kariimka Bismillah Allah ayay usugnaatay mahad dhamaanteed walal waxa aan jeclahay inan kula wadaago habka ugu wanagsan oo lagu xifdin karo Kitaabka Allah sw ( Quraanka Kariimka) Walalka /walasha aan jeclahay nasiib wanaag ayay iitahay inaad aqrinayso hagahaan hadii aad raacdid aad liibanaysid aniga iyo adigana aan ajir kawada heli doono inshaaAllah waxa jiro 3 qaab oo aad u xifdin kartid Quraanka kariimka  si aad ufahanto jadwalkaan hoos kuxusan waxaa muhiim ah in aad kitaab Quraanka kariimka ah Gacanta kuhaysatid;  Qorshe Degdeg  ; 4bil ( waxa uu aad u anfacayaa dadka quraanka ka kacsanyahay ama aad ugu dadaalo aqrintiisa  Qorshe dhexdheaad ; 8bil ( waxa uu anfacaya qof walba oo quraanka kitaabka ka aqrin kara balse anan xifdisaneyn suurado ) Qorshe Qunyar socod 1sano (qorshahan waxa uu anfacayaa dadka carabka culus ama kitaabka Alle kuyar adagyahay aqrintiisa Qorshe degdeg 4bil maalinti waxa aad xifdin 2 maqro (5bog oo kitaabka quraanka kariimka ) taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin biishiina waxa ad kuxifdin 7 juz iy bar (7 juz iyo xizib) labadii di bil waxaad ku xifdisay 15 juz labadi bil kalana waxa aad kuxifdisay 15juz quraanka kariimka idilna waxa aad kuxifdin 4bil hadii uu Allah kula garab galo habkaan malahan waqti muraajaco (revision ) waxa kasoo bixi karo qof dadaal badan ama quraanka waxbadan kayaqaan Qorshe dhexdhexaad 8 bil maalinti waxa aad xifdin  2maqro(5Bog) taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin 25 maalin waxa aad kuxifdin 5 juz 5 ta maalin ee bisha ka dhiman waxa aad ku muraajacayn (revise) 5ti juz ee aad bishaa xifdisay quraanka dhan waxa aad kudhamayn 6 bil (6bil*5Juz bishiiba) = 30juz 2 da bil ee kuu hartay waxa aad kumuraajacayn quraanka oo idil. Qorshe qunyar socde  : 1 sano maalintii waxa aad xifdin 2 bog  25 maalin waxa aad kuxifdin 2juz iyo bar ( 2.5juz) 5ta maalin ee hartay waxa aad kumuraajacayn 2.5juz ee aad xifdisay sanadkii  waxa aad kuxifdin 30ka Juz Ee Quraanka kariimka qof waliba heerka uu kataaganyahay xifdinta Quraanka kariimka asaga ayaa garanaayo sidaas darteed waxa aad dooran dontaa habka ku anfacaayo kuguna haboon haduu Allah Kuu idmaayo  halkee baad ka bilaabi xifdinta quraanka kariimka qof waliba marka uu gaaro guul yar waxa uu helayaa dhiiri galin uu kugaaro guulo tii hore kasii waweyn  hadaba quraanka haka bilaabin meelaha kugu adag ama suuradaha dhaadheer ee aadan aqoon habkan ayaan filaya inu yahay midka ugu haboon xifdinta Quraanka Kariimka kubilow 15ka juz ee hoose kubilow 5ta juz ee u hooseeysa (juz 26-juz30 . kabilaw Surah Axqaaf hoos usoco) hoos u wad oo dhameey 5ta juz  waxa aad heleysaa dhiir galin marka aad xifdisid 5 juz 5ta juz ee ka koreysa ku xiji (juz 21-juz25 . kabilaw surah Jathiyah kor usoco ilaa surah ankabut)  waxa aad heleysaa dhiiri galin marka aad xifdisid 10juz ee uhooseeya Quraanka Waxaa ku harsan 5 juz ( juz 16-juz20 . kabilaw surah al kahf ilaa surah ankabut) Hadii aad raacdid qorshaha 8bil 15 juz waxa aad kuxifdin 3 bil oo kaliya (bishiina waxa aad xifdin 5juz)  hada waxa kuu harsan 15juz ee kore  waxa aad ku bilabaysa ( juz 1 -juz 5 . kabilaw surah baqarah ilaa surah al nisaa) kabood 5ta juz dhexe  ubood 5ta juz ee uhoseeyso 15juz ee kore : juz 11-juz15( kabilow surah al kahf ilaa surah Tawbah) kor usii soco 5ta juz ee xigta juz 6-juz10 ( kabilow suurah Tawbah ilaa surah Al Nisaa) maxaa kaa caawin kara inaad xifdisid quraanka kariimka  akhrista oo aad joogteyso in aadan caajsiin ama dib dhigan hal musxaf isticmaal oo aad sifiican ula qabsan doonto  dhegeyso quraanka kariimka MP3 ama MP4(badi dhageysiga quraanka xiliga xafada ama goobta shaqo)  casharka mesha uu kumarayo dhagayso oo kucelceli lahaw hal sheikh oo aad dhagaystao sheikh codkiisa aad ladhacday ama kala dhigdhigaayo quraanka aan kuceliyo hal kitaab isticmaal hal sheikhna dhagayso (taas waxa ay kaacaawin xasuusta ) Fariintan gaadhsii walaahaaga si ay uga faaiidaan adiga ajar uga hesho . الحمد الله دائما وابدا ✨ 📖❤️

No comments:

Post a Comment

Ma Ogtahay ?!

             Qaybti 1aad.  1. ma ogtahay  :~xiligi looyaqanay waayihi dhagaxa in waxkasta oo agaba.               oo la adeegsado la qori ji...