Halkan waxad ka heeli kartaan waxyaabo farabadan sida waxbarashada,xikmadaha,dinta,jacalyka.iwm
Wednesday, January 11, 2023
Ma Tukatid ?!
Ma Tukatid?
Makaa dhab Baah Maadan Tukan!!!
Sidee U Tukan Weyday🤒.
Ma wixii Ugu dambeeyey Aad sameysid Ma waxa uu ahaa Inaad Ka Tagtay Salaadii.
Wlhi Garan maayoh Sida aad Ugu Noolaan lahayd noloshaan Salaad La,aan .
Yacnii subxanallah Salaada Intee kugu Qaadataaah Ma 5 daqiiqo mise 10 daqiiqo,
10 salaadood immisa Waqti Ay kaga qaadan 10×5:50daqiiiqo Walaal Macaan 50 daqiiqo Hal Maalin Aadna Heysatid Wax Ka Badan 23 Sacadood lakiin 50 daqiiiqo Ayaad U weeyday alle Swt😪 Isku Xishoood Kac Tuko Kac Hadda Tuko ,
I Maqal Bal Xadiiskaan Ila dhageyso ;
Nabi Mohammed Scw wuxuu Yiri "Salaada Waxeey Reebtaaa munkarka Iyo Xumaanta".
Waxaa La mid Ah Qofkaas Salaada Ka Taga Qofka Tukada Hadana salaadiisa Aysan Ka Reebim Xumaanta ,Salaada waa astaanta Muujineysa Qofka toosnaantiisa Iyo Dadnimadiiisa ,Maxaa Yeelay Salaadu Waa Xariiir Qofka Ku Xireysa Allahiisa .
Qofka Alle Xariir Wanaagsan La lehna Wuu ka Dhowrsanaya Falalka Xun Xun Ee Dadka Ku Xambaara Xumaanta Iyo Danbiyada ,Dhaawacaya sharafta Qofka .
Kac Tuko Walaaal ,Adna Kaaga tukadooow Salaadaaada Hadii Aysan xumaanta kaa Reebin Taasi Salaad Maheee Ilaahay Baad Kaga FogaaTay .
Side ku xifdin karta quranka kariimka?
Habka Xifdinta Quraanka Kariimka
Bismillah
Allah ayay usugnaatay mahad dhamaanteed walal waxa aan jeclahay inan kula wadaago habka ugu wanagsan oo lagu xifdin karo Kitaabka Allah sw ( Quraanka Kariimka)
Walalka /walasha aan jeclahay nasiib wanaag ayay iitahay inaad aqrinayso hagahaan hadii aad raacdid aad liibanaysid aniga iyo adigana aan ajir kawada heli doono inshaaAllah
waxa jiro 3 qaab oo aad u xifdin kartid Quraanka kariimka
si aad ufahanto jadwalkaan hoos kuxusan waxaa muhiim ah in aad kitaab Quraanka kariimka ah Gacanta kuhaysatid;
Qorshe Degdeg ; 4bil ( waxa uu aad u anfacayaa dadka quraanka ka kacsanyahay ama aad ugu dadaalo aqrintiisa
Qorshe dhexdheaad ; 8bil ( waxa uu anfacaya qof walba oo quraanka kitaabka ka aqrin kara balse anan xifdisaneyn suurado )
Qorshe Qunyar socod 1sano (qorshahan waxa uu anfacayaa dadka carabka culus ama kitaabka Alle kuyar adagyahay aqrintiisa
Qorshe degdeg 4bil
maalinti waxa aad xifdin 2 maqro (5bog oo kitaabka quraanka kariimka )
taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin
biishiina waxa ad kuxifdin 7 juz iy bar (7 juz iyo xizib)
labadii di bil waxaad ku xifdisay 15 juz
labadi bil kalana waxa aad kuxifdisay 15juz
quraanka kariimka idilna waxa aad kuxifdin 4bil hadii uu Allah kula garab galo
habkaan malahan waqti muraajaco (revision )
waxa kasoo bixi karo qof dadaal badan ama quraanka waxbadan kayaqaan
Qorshe dhexdhexaad 8 bil
maalinti waxa aad xifdin 2maqro(5Bog)
taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin
25 maalin waxa aad kuxifdin 5 juz
5 ta maalin ee bisha ka dhiman waxa aad ku muraajacayn (revise) 5ti juz ee aad bishaa xifdisay
quraanka dhan waxa aad kudhamayn 6 bil (6bil*5Juz bishiiba) = 30juz
2 da bil ee kuu hartay waxa aad kumuraajacayn quraanka oo idil.
Qorshe qunyar socde : 1 sano
maalintii waxa aad xifdin 2 bog
25 maalin waxa aad kuxifdin 2juz iyo bar ( 2.5juz)
5ta maalin ee hartay waxa aad kumuraajacayn 2.5juz ee aad xifdisay
sanadkii waxa aad kuxifdin 30ka Juz Ee Quraanka kariimka
qof waliba heerka uu kataaganyahay xifdinta Quraanka kariimka asaga ayaa garanaayo sidaas darteed waxa aad dooran dontaa habka ku anfacaayo kuguna haboon haduu Allah Kuu idmaayo
halkee baad ka bilaabi xifdinta quraanka kariimka
qof waliba marka uu gaaro guul yar waxa uu helayaa dhiiri galin uu kugaaro guulo tii hore kasii waweyn hadaba quraanka haka bilaabin meelaha kugu adag ama suuradaha dhaadheer ee aadan aqoon
habkan ayaan filaya inu yahay midka ugu haboon xifdinta Quraanka Kariimka
kubilow 15ka juz ee hoose
kubilow 5ta juz ee u hooseeysa (juz 26-juz30 . kabilaw Surah Axqaaf hoos usoco)
hoos u wad oo dhameey 5ta juz
waxa aad heleysaa dhiir galin marka aad xifdisid 5 juz
5ta juz ee ka koreysa ku xiji (juz 21-juz25 . kabilaw surah Jathiyah kor usoco ilaa surah ankabut)
waxa aad heleysaa dhiiri galin marka aad xifdisid 10juz ee uhooseeya Quraanka
Waxaa ku harsan 5 juz ( juz 16-juz20 . kabilaw surah al kahf ilaa surah ankabut)
Hadii aad raacdid qorshaha 8bil 15 juz waxa aad kuxifdin 3 bil oo kaliya (bishiina waxa aad xifdin 5juz)
hada waxa kuu harsan 15juz ee kore
waxa aad ku bilabaysa ( juz 1 -juz 5 . kabilaw surah baqarah ilaa surah al nisaa)
kabood 5ta juz dhexe
ubood 5ta juz ee uhoseeyso 15juz ee kore : juz 11-juz15( kabilow surah al kahf ilaa surah Tawbah)
kor usii soco 5ta juz ee xigta juz 6-juz10 ( kabilow suurah Tawbah ilaa surah Al Nisaa)
maxaa kaa caawin kara inaad xifdisid quraanka kariimka
akhrista oo aad joogteyso
in aadan caajsiin ama dib dhigan
hal musxaf isticmaal oo aad sifiican ula qabsan doonto
dhegeyso quraanka kariimka MP3 ama MP4(badi dhageysiga quraanka xiliga xafada ama goobta shaqo)
casharka mesha uu kumarayo dhagayso oo kucelceli
lahaw hal sheikh oo aad dhagaystao sheikh codkiisa aad ladhacday ama kala dhigdhigaayo quraanka
aan kuceliyo hal kitaab isticmaal hal sheikhna dhagayso (taas waxa ay kaacaawin xasuusta )
Fariintan gaadhsii walaahaaga si ay uga faaiidaan adiga ajar uga hesho .
الحمد الله دائما وابدا ✨
📖❤️
5 calaamadaha horumarkaaga.
5 calaamadaha horumarkaaga;
1- Inaad mas’uuliyad iska saarato adigoon cid kale eedeyn.
2 – Dareenkaaga hadda waa inaad qanciso naftaada.
3 - Mar dambe iskuma dayi doontid inaad ku xoojiso aragtidaada dadka. kale.
4- Xal u raadi intii aad cudur daar ka heli lahayd.
5 - Ogaanshaha buuxda ee dareenkaaga iyo ficilkaaga.
Goorma ayeey Ugu Wacan Tahay In aad bilaawdid hadalkaaga?
Goorma ayeey Ugu Wacan Tahay In aad bilaawdid hadalkaaga?
👉🏾 Waa lagama maarmaan in Aad sugtid ilaa inta uu ka dhamaanayo wada hadalka Qofka Aad La shekeysaneysid sug 2-3 ilbiriqsi. Markaa waxaad bilaabi kartaa Hadalkaaga.
👉🏻 Tani waxay ogeysiin doontaa qofka kula hadlaya inuu ogaado inaad si taxadar leh u dhagaysanaysay oo ay ku dhisi doonto kalsoonidaada. Aad bay u fududahay!
Sidee Isku Bari Kartaa Wax Kasta Oo Cilmi Ah ?
Sidee Isku Bari Kartaa Wax Kasta Oo Cilmi Ah ?
1:Wax Ka Akhri
2: Kala Hadal Macalimiinta Sida Gaarka Ah U Dhiga.
3:Iibso Courses Xitaa waxaa Ka Jira Kuwa Free .
4:Daaawo YouTube
5:Sii Bar Dadka Kale .
Tuesday, January 10, 2023
What does مفكر (mufakir) mean in Somali ?
habka loo tixgaliyo ama u sababeeyo shay. "Xulayaashu waxay leeyihiin xoogaa fikir ah inay sameeyaan ciyaarta ka hor" sifada iyadoo la adeegsanayo feker ama xukun macquul ah; waxgarad. "Wuxuu u ekaa nin fakaraya" macnayaal la mid ah: garaad, caqli-gal, caqli-gal, caqli-gal, caqli-gal, caqli-gal, falanqeyn, fakar leh, milicsi, milicsi, fekeri, feker, falsafad, caqli-gal
Subscribe to:
Posts (Atom)
Ma Ogtahay ?!
Qaybti 1aad. 1. ma ogtahay :~xiligi looyaqanay waayihi dhagaxa in waxkasta oo agaba. oo la adeegsado la qori ji...


