Halkan waxad ka heeli kartaan waxyaabo farabadan sida waxbarashada,xikmadaha,dinta,jacalyka.iwm
Wednesday, January 11, 2023
Waa maxay Dhaqaalaha(economic)
Waa Maxay Dhaqaalaha(economic)?
Dhaqaalaha waa daraasad, sidda shakhsiyaad iyo kooxo go’aamo ugu gaaraan khayraadka kooban iyagoo isticmaalaayo sidda ugu wanaagsan ee loo isticmaali karaayo ama loo baahi tiri karo baahidda iyo rabitaan dadka”
Waxay leedahay dhinacyo badan sababtoo ah waxay leedahay caado soo jireen ah oo deeq waxbarasho oo soo jirtay wakhtiyadii hore. Meesha aan ka bilaabeyno waa Plato. Waxaan eegeynaa horumarinta fikirka dhaqaalaha laga bilaabo Plato ilaa aabaha dhaqaalaha dabeecadda ee Thaler.
Faylasuuufkii Weeynaa Plato muxuu Ka Yidhi dhaqaalaha ?
Plato wuxuu ku dhashay Athens, Greece, qiyaastii 429 BC. wuxuuna dhintay 347 BC.
Balse magaciisu ma eheyn balaato waxaana loo yaqaanay aristokles ,lakiin markii danbe ayuu la baxay naaneysta balaato "plato" oo micnheedu yahay "baaxadweyn".
Ereyga aristokles Wuxuu Ugu Baxay sababtoo Ah qoyskiisa Ayaa La Oron Jirey "aristocratic Family".
Wuxuu Ahaa Mid Ka Mid Ah Ardaydii Faylasuuufkii Socrates .
Markii uu dhintay macalinkiisa socrates wuxuu aas-aasay dugsi loo yaqaan academia oo eheyd meeshii ay kasoo baxeyn caqli- maalayaashiii dunnida soo maray .
Halkaasna wuxuu ku dhigi jirey Falsafada iyo Xisaabta .
Faylasuuufkaas howlihii Uu Umada Usoo Hal Tabiyey Kuwiisa Ugu Caansan Waxaa Ka Mid Ah The Republic iyo The Laws oo Ahaa Labadiii Aas -aaska U Ah Labada Cilmi Ee Kala Ah Falsafada Iyo Dhaqaalaha .
Hannaan walba ee dhaqaale wuxuu ku shaqeeyaa saddex arimood oo kala ah wax soo-saar (Proudction), qaybin (Distribution) iyo qaadasho (Consumption).
Aqoonta uu ka hadlay waxaa kamid ah aqoonta dabiicad-barad (Physics), meeta-fiisikada (Meta-physics), muusikada (Music), cod-karnimada (Rhetoric), luqadaha (Linguistics), siyaasadda (Politic), dhaqaalaha (Economics) dowladda (Government), anshaxa (Aesthetics), cilmiga nolosha (Biology) iyo cilmiga xoolaha (Zoology).
Ibnu-Rushdi oo ninkan tilmaamaya ayaa wuxuu yiri:
” Waxaan malaynayaa in Eebe uu qofkan u abuuray si uu ugu muujiyo burhaan iyo daliil la xiriirta quruxda aadamiga ”.
Qore : @Mrxoosh
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Ma Ogtahay ?!
Qaybti 1aad. 1. ma ogtahay :~xiligi looyaqanay waayihi dhagaxa in waxkasta oo agaba. oo la adeegsado la qori ji...
No comments:
Post a Comment