Halkan waxad ka heeli kartaan waxyaabo farabadan sida waxbarashada,xikmadaha,dinta,jacalyka.iwm
Wednesday, January 11, 2023
Waa maxay saaxiibtinimadu ?!!
Waa maxay saaxiibtinimadu? Waa maxay sifooyinka saaxiibka Ilaahay(a friend of lord )? Maxay yihiin astaamaha saaxiibtinimada muslimiinta dhexdooda? Qofka Muslimka Ah Ma ka dhigan karaa saaxiib qof Aan aahyn Muslim?
Waa maxay waajibaadka ay saaxiibadu isku leeyihiin?
Intaas Ma heysaah Jawaabtooodu May Hadey Tahay isoo Raaac Anaa kuu hayeeeh .
Saaxiibtinimadu waa xidhiidh ka dhexeeya laba qof ama in ka badan oo lagu garto
dabeecad togan oo wanaagsan oo ku wajahan "ka kale," oo ku suntan kalgacal iyo kalsooni.
Dadka saaxiibada ah waxay ku raaxaystaan inay waqti isla qaataan. Waxay isku caawiyaan gudaha
saacada baahidooda. Dadku waxay ku doodeen in saaxiibtinimadu ay sidoo kale tahay mawduuca ugu sarreeya
siyaasadda, ilaa hadda isbahaysiga siyaasadeed iyo xisbiyadu waxay ku dhisan yihiin saaxiibtinimo.
Helitaanka saaxiib waa farxad. Saaxiibtinimadu waa lidka cadawtinimada. Quraanka
ayaa ka hadlaya labadaba codwtinimo iyo Saaxiibtinimo.
Aayada ka hadleysa Codowtinimada .
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ مِنْ أَزْوَاجِكُمْ وَأَوْلَادِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَاحْذَرُوهُمْ ۚ وَإِن تَعْفُوا وَتَصْفَحُوا وَتَغْفِرُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (14)
Micne .
Kuwa xaqa rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah.
Sidoo Kale Ayad Ka hadleysa Saaxiibtinimada.
الْأَخِلَّاءُ يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا الْمُتَّقِينَ(67).
يَا وَيْلَتَىٰ لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا ﴿28﴾
وَلَا يَسْأَلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا ﴿10﴾
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ ﴿34﴾
وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ ﴿35﴾
وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ ﴿36﴾
(Quraanka saaxiibtinimada).
Asxaabta Ilaahay waxa lagu tilmaamaa HisbAllaah, xisbiga Alle. Shaydaanku sidoo kalena waa oo lagu tilmaamay cadawga Eebbe iyo cadawga mu’miniinta.
يَٰبَنِىٓ ءَادَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ ٱلشَّيْطَٰنُ كَمَآ أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ ٱلْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْءَٰتِهِمَآ ۗ إِنَّهُۥ يَرَىٰكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُۥ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا ٱلشَّيَٰطِينَ أَوْلِيَآءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ(27)
Micne.
7:27 - Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.
Sidoo kale Wa nala talinayaa in Xumaanta uga jawaab celinin wanaag.
وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ﴾
[ فصلت: 34]
لَّا خَيْرَ فِى كَثِيرٍۢ مِّن نَّجْوَىٰهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَٰحٍ بَيْنَ ٱلنَّاسِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ ٱبْتِغَآءَ مَرْضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا(114).
عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجْعَلَ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَ ٱلَّذِينَ عَادَيْتُم مِّنْهُم مَّوَدَّةً ۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٌ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ(7).
Micne
Wuxuu Eebe u dhawyahay inuu yeelo jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada Qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi dhaaf badane naxariis badane ah.
Camalka wanaagsan, erayo wanaagsan ee kala duwan, waxay cadawga u beddelaan saaxiibo.
وَلَا يَاۡتَلِ اُولُوا الۡـفَضۡلِ مِنۡكُمۡ وَالسَّعَةِ اَنۡ يُّؤۡتُوۡۤا اُولِى الۡقُرۡبٰى وَالۡمَسٰكِيۡنَ وَالۡمُهٰجِرِيۡنَ فِىۡ سَبِيۡلِ اللّٰهِ ۖ وَلۡيَـعۡفُوۡا وَلۡيَـصۡفَحُوۡا ؕ اَلَا تُحِبُّوۡنَ اَنۡ يَّغۡفِرَ اللّٰهُ لَـكُمۡ ؕ وَاللّٰهُ غَفُوۡرٌ رَّحِيۡمٌ ﴿24:22﴾
24:22 - Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada, Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen, miyeydaan Jeelayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista.
Saxiiib Sameysoh , helitaanka Saxiiib wanaaagsan waa farxad. Waayitaankiiisana Waa Murugo.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Ma Ogtahay ?!
Qaybti 1aad. 1. ma ogtahay :~xiligi looyaqanay waayihi dhagaxa in waxkasta oo agaba. oo la adeegsado la qori ji...

No comments:
Post a Comment